Henrikh Mkhitaryan Oo Taageero U Muujiyay Kooxda Borussia Dortmund Ka Dib Qaraxii Ay Xalay La Kulmeen

Henrikh Mkhitaryan ayaa muujiyay taageeraha uu u haayo kooxdiisa hore ee Borussia Dortmund ka dib markii ay xalay gaariga ay wateen qarax uu ka ag dhacay.

ciyaartoyda iyo ilaalada kooxda reer Bundesliga ayaa usoo dhaqaaqeen garoonka Signal Iduna Park si ay sideed dhamadka taratnka champions league ay ula ciyaaraan kooxda reer France ee Monaco kuwaasoo gaarigi ay wateen ku jahwareereen ka dib markii uu qaraxa dhacay.

Daafaca danbe ee kooxda BVB Marc Bartra ayaa garabka wax ka soo gaareen kaasoo ugy danbeyn loola cararay isbitaalka si loogu dabiibo xaaladiisa caafimaad.

kooxda reer Bundesliga ayaa ugu danbey barteeda Twitterka ku tiri “@Marc Bartra dhaawac ayaa soo gaaray wana arin naxdin leh waxaana rejyn doonaa in uu kasoo kabsado, nasiib wacan Mrac”

weeraryahanka kooxda Manchester United Mkhitaryan oo 140-kulan u saftay ayaa muujiyay qiimaha ay ugu fadhiso kooxdiisa kaasoo seddex sano lasoo joogay kooxda, wuxuuna bartiisa social Media-yaha ku shaaciyay taageeraha uu u hayyo kooxdiisa hore.

View image on Twitter

Deeply shocked by the explosions last night in Dortmund. Sending my support to @BVB , the fans & wishing a speedy recovery to @MarcBartra

Fekerkaaga Nala Wadaag