Ogow lacag dhan £250-million oo ginni cida ay kusoo qaadanayso United, ka hor dhamaadka ololahaan

Filed under: Falanqeynta,Horyaalada,La Liga,Premier League,Suuqa,Wararka Maanta |

Qorshaha cusub ee xaga suuqa hogaamiyaha Kooxda Manchester United Jose Mourinho ee ololaha danbe ayaa lasii ogaaday in ay qayb ka yihiin Cayaariyahanada Benjamin Mendy, Romelu Lukaku iyo Antoine Griezmann.

 
Sida ay ogaatay Jariirada The Sun Sports, Kooxda ugu guulaha badan England ee Manchester ayaa suuqa gelin doonta qiimo lacageed dhan £250-million oo ginni si ay usoo qaadato bartilmaameedyadeeda.

 
Kooxda Red Devils ayaa taratan adag kala kulmi doonta Kooxaha Real Madrid, PSG iyo Chelsea saxiixa daafaca bidix ee Kooxda AS Monaco Benjamin Mendy, kaas oo hada ku jira qaab Ciyaareed aad u fiican.

 

LWB: Benjamin Mendy
Bartilmaameedka Kooxda Chelsea ee Romelu Lukaku ayaa sidoo kale liiskan qayb ka ah, hase ahaatee Mou ayaa mar kale damacsan in uu la shaqeeyo kalyantigiisii hore Romelu, balse Conte ayaa ogsoon in Lukaku uu yahay bedelka saxda ee Cayaariyahan boqor Diego Costa.

 

CF: Romelu Lukaku
Si kastaba ha ahaatee Bartilmaameedka mudda dheer ee Macalinka reer Portugal Jose Mourinho ayaa sidoo kale la filan karaa in ay ku adkaato soo qaadashada Cayaariyahan Antoine Griezmann, kaas oo hada adeegiisa lala xiriirinayo Kooxaha ugu guulaha badan La Liga ee Real, balse Atlético ayanan u ogolaan doonin in saxiixeeda Griezmann uu u dhaqaaqo Kooxda cadowgooda ee Madrid.

 

LW: Antoine Griezmann

Fekerkaaga Nala Wadaag