Sky Sports Oo Shaaciyay Taariikhda Iyo Waqatiga Toban Kulan Oo LIX Maalmood Oo Xidhiidh Ah La Ciyaarayo Iyo Kulamadan Oo Go’aamin Doona Kaalmaha Sare Ee Koobka Premier Leaque-ga.

Sky Sports ayaa si aan looga baran u shaaciyay toban kulan oo ay si toos ah u baahan doonaan lix maalmood oo xidhiidh ee kulamada Premier Leaque-ga lagu soo gabagabayn doono bisha May. Kooxdaha hogaanka Premier Leaque-ga haysa ee Chelsea iyo kooxda ugu soo xigta ee Tottenham ayaa lix maalmood gudahood ciyaari doona min laba kulan waana kulamo go’aamin doona koobka Premier Leauqe-ga.

Waxa kale oo kulamadan ku jira kuwo go’aamin doona kooxaha Champions leaque-ga u soo bixi doona iyada oo ay kulamadan ku jiraan kuwo adag oo ay Man United iyo Arsenal wada ciyaari doonaan si la mid ah Man United oo markale la ciyaari doonta Tottenham. Kulamada ka bilaamaya May 12 ilaa May 18 ayaa si xidhiidh ah loo ciyaari doonaa waana kulamo aad muhiim ugu ah kooxaha ciyaari doona.

TAARIIKHDA IYO WAQTIGA LA CIYAARI DOONO KULAMADA UU SKY SPORTS BAAHIN DOONO EE BISHA MAY:

May  Kulanka  Waqtiga
Isniin May 1 Watford v Liverpool 8pm
Jimce May 5 West Ham v Spurs 8pm
Sabti May 6 Man City v Palace 12.30pm
Axad May 7 Liverpool v Southampton 1.30pm
Axad May 7 Arsenal v Man Utd 4pm
Isniin May 8 Chelsea v Boro 8pm
Jimce May 12 West Brom v Chelsea 8pm
Sabti May 13 Man City v Leicester 12.30pm
Sabti May 13 Stoke v Arsenal 5.30pm
Axad May 14 Palace v Hull 12pm
Axad May 14 West Ham v Liverpool 2.15pm
Axad May 14 Spurs v Man Utd 4.30pm
Isniin May 15 Chelsea v Watford 8pm
Talaada May 16 Man City v West Brom 8pm
Arbaca May 17 Southampton v Man Utd 7.45pm
Khamiis May 18 Leicester v Spurs 7.45pm

Fekerkaaga Nala Wadaag