PSG oo qiimihii ugu badnaa kula soo wareegaysa Neymar

Filed under: Falanqeynta,france ligue 1,Horyaalada,La Liga,Suuqa,Wararka Maanta |

Maamulka sare iyo Agaasimayaasha Kooxda Paris Saint-Germain ayaa isku raacay in ay u dhaqaaqaan saxiixa Weeriryahanka Kooxda Barcelona Neymar JR.

 

Warar soo baxay Maalinnimadii Isniinta ayaa sheegaya in lacago ka badan £ 195-million uu ugu biiri doono Kooxda Faransiiska ee PSG, si loo kansalo qandaraaskiisa kooxda Camp Nou, kaas oo la ogson yahay in uu ku eg yahay sanad Ciyaareedka 2021-ka, xilli uu halkaas dhawaan ku biiray laacibka ay ka wada tirsan yihiin Xulka qaranka Selecao ee Dani Alves..

 

Cayaariyahan Neymar ayaa ogol inuu u dhaqaaqo Kooxda caasimada Faransiiska ee Paris, halkaas oo la xaqiijiyay in sanadkiiba uu Kooxdiisa cusub ka qaadan doono lacag dhan £ 25-million.

 

Sida ay ku waramayso Jariirada AS, saraakiisa xaga suuqa ee Kooxda Catalan ayaa raba in Xiddiga reer Brazil ee Neymar uusan ka tagin kooxdiisa, wallow ay jiraan Kooxo badan oo lala xiriirinaayo adeegiisa.

 

http://i4.mirror.co.uk/incoming/article10255450.ece/ALTERNATES/s615/http://i1.mirror.co.uk/incoming/article10816218.ece/ALTERNATES/s615/

One Response to PSG oo qiimihii ugu badnaa kula soo wareegaysa Neymar

  1. Naymar kamatagayo barca waa wadnehena

    612334996996
    July 18, 2017 at 12:58 pm
    Reply

Fekerkaaga Nala Wadaag