Arsenal iyo Roma oo doonaya saxiixa Cayaariyahan Benedikt Howedes

Filed under: Bundesliga,Falanqeynta,Horyaalada,Premier League,Serie A,Suuqa,Wararka Maanta |

Wakiilka Cayaariyahan Benedikt Howedes ayaa saaxafada u sheegay in Kooxaha Arsenal, Roma iyo Leicester City ay doonayaan adeega ciyaaryahanka ka hor inta uusan ku biirin Juventus.

 

Daaficii hore ee Kooxda Schalke 04 Howedes ayaa ku biiray Kooxda ugu guulaha badan tartanka italian Serie A, maalintii u danbaysay ee suuqa, kaddib markii qaab deen ah lagu soo qaatay.

 

“Marka laga hadlaayo xaalad cusubi ee soo baxda, waxaan xiriir toos ah la leenahay Maareeyaha Kooxda Bionconeri Fabio Paratici,” ayuu yiri Volker Struth.

 

“Dabcan sidoo kale waxaan la xiriirnay kooxo waa wayn oo aan la furanay wadahadalo, waxaana ka mid ahaa Roma, Leicester iyo Arsenal, sababtoo ah waxaan maqalnay Inter Milan ay dooneysay saxiixa Cayaariyahan Shkodran Mustafi.

 

“Kooxda Schalke waxay ixtiraamaysay wadahadalada Kooxaha doonaya saxiixiisa, hase ahaatee marka ay meesha soo gasho koox sida Juve waxaa halkaasi ka baxaaya dhamaan Kooxaha kale, maxaa yeelay waa Kooxda ugu sareysa horyaalka Serie A, “ayuu yiri Volker Struth oo ah dulaalka Cayaariyahan Benedikt Howedes.

 

 

https://pbs.twimg.com/media/https://pbs.twimg.com/media/https://pbs.twimg.com/media/

Fekerkaaga Nala Wadaag