Diego Costa oo ku dhaw inuu ku biiro kooxda Al Hilal qaab amaah ah.

Filed under: Falanqeynta,Horyaalada,Premier League,Suuqa,Wararka Maanta |

Diego Costa ayaa laga yaabaa inuu lasoo saxiixdo bilaha soo socda ee Saudi Arabia isagoo u ciyaaraya Al Hilal hadii uu ogolaado inuu u dhaqaaqo Atletico Madrid maalmaha soo socda.

 

28 jirkaan ayaa la rumeysan yahay inuu ku jiro caasimadda Spain isagoo isku dayaya inuu ku laabto kooxda ka dhisan La Liga, iyadoo Blues ay qorsheyneyso inay si dhaqso ah uga soo kabato qorshaha tababare Antonio Conte horaantii xagaaga.

 

Atletico ayaa awoodi weysay inay lasoo saxiixato weeraryahankeeda bilaha xagaaga sababo la xiriira xayiraad lagu soo rogay laakiin waxaa la rumeysan yahay inay ku dhow yihiin inay heshiis rasmi ah la saxiixdaan Costa marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo oo ah 53 milyan oo ginni.

 

Sida laga soo xigtay wargeyska Daily Mail, Costa ayaanan ku laaban doonin Stamford Bridge markii heshiiska la dhameystiray waxaana loo bedelay deyn muddo gaaban ah Al-Hilal, oo ku dhameysatay kooxda heysata horyaalka Sucuudiga xilli ciyaareedkii hore.

 

Costa ayaa markii ugu danbeysay u ciyaaray Chelsea kulankii FA Cup ee ay guuldarada ka soo gaartay Arsenal dhamaadkii bishii May.

Fekerkaaga Nala Wadaag