Gareth Bale: ‘Waxaa jiray dood ka timid Manchester United’

Filed under: Falanqeynta,Horyaalada,La Liga,Premier League,Suuqa,Wararka Maanta |

Xiddiga kooxda Real Madrid Gareth Bale ayaa qiray inuu jiro “muran” inuu u dhaqaaqayo Manchester United xagaaga, lakiin waxa uu doortay inuu sii joogo Santiago Bernabeu si uu ugu guuleysto koobab.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Wales ayaa xirfad fiican ku lahaa kooxda reer Spain ilaa iyo haatan, isagoo ku guuleystay 10 koob tan iyo markii uu 85 milyan oo ginni uga soo dhaqaaqay Tottenham Hotspur sannadkii 2013.

Tababaraha United Jose Mourinho ayaa qirtay inuu doonayo inuu la saxiixdo 28 jirkaan, laakiin Bale ayaa soo jeediyay inuusan ku faraxsaneyn inuu u dhaqaaqo Old Trafford si uu u noqdo ninka ugu weyn.

“Haa waxaa jira dood ka timid taas, laakiin waxaan qabaa waxa ugu muhiimsan, marka aad dib u eegto xirfadaada, waa inaad eegto koobabkaaga,” Bale ayaa u sheegay Daily Mail. “Ugu dambeyntii taasi waa waxa ugu muhiimsan.”

Xiddiga reer Wales ayaa seddex kulan u saftay La Liga xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay hal gool islamarkaana uu soo bandhigay hal caawiye.

Fekerkaaga Nala Wadaag