HORDHACA: Chelsea vs Qarabag – Conte oo isha kuhayo in mar kale taariikh ugaar looga diiwan geliyo

Filed under: Champions League,Horyaalada,Premier League,Wararka Maanta |

Chelsea oo kusoo laabatay tartanka Champions League kadib hal xilli ciyaared oo ay ka maqnaayeen masraxa tartamada qaarada Yurub.

Blues-ka oo gurigooda kusoo dhaweyn doonta kooxda loo diiwangeliyey taariikhda cusub taasoo si cajiib ah ugu soo baxday Champions League.

Kulanka: Chelsea vs Qarabag

Madasha: Stamford Bridge Stadium

Tartanka: Uefa Champions League

Saacadaa: 09:45 Habeenimo (W-G-A)

Garsooraha: Anastasios Sidiropoulos (Greece)

Xaqiiqoyinka Labada Naadi

Kulankan oo ah midkii ugu horeeyay ee dhex mara labadan naadi, sidoo kale waa kulanka kaliya ee dhex maray koox England ah iyo Azerbaijani oo kulan dhex maray kooxda Tottenham iyo Qarabag sanadkii 2015-16 kulan ka tirsanaa Group-yad Europa League kooxda Tottenham ayaa labadii lugood ku adkaatay (3-1 iyo 1- 0).

Champions league xilli ciyaareedkan oo ah midkii 15-aad ee ay chelsea ka qayb qaadato iyada oo ah kooxda 3-aad ee ugu qab galka badan England iyada oo ka dambaysa kooxaha Man United oo 21 jeer ka qayb gashay iyo Arsenal oo 19 jeer ka qayb gashay.

Kooxda Chelsea oo gaartay wareega bug-baxda ee champions league 12 jeer 14 xilli ciyaareed ee ay ka qayb gashay.

Blues oo ah mid guul daro soo gaartay hal kulan 13-kii jeer ee Group-yada 9 way badisay 3 kalena bar-baro ayay gashay kooxda ka badisay oo ahayd Porto sanadkii 2015, Chelsea oo sidoo kale dhalisay 24 kulan ee ugu dambeeyay ee wareega Group-yada ay ku ciyaartay garoonkeeda Stamford Bridge.

Champions league sanadkan oo ah midkii 3-aad ee Tababare Antonio Conte intii uu tababaraha ahaa, sanadkiisii ugu fiicnaa oo ahaa 2012-13 waxana uu gaaray wareega 4 dhamaadka UCL-ka.

Qarabag oo markii ugu horaysay ka soo qayb gashay tartanka Champions League, waana kooxdii ugu horaysay ee ka dhisan dalka Azerbaijan ee soo gaarta wareega Group-yada.

SHAXDA MACQUULKA AH EE LABADA NAADI

Chelsea: Courtois; Christensen, Cahill, Rüdiger; Zappacosta, Kanté, Fàbregas, Alonso; Willian, Pedro; Batshuayi.

Qarabağ: Šehić; Medvedev, Rzeźniczak, Hüseynov, Dashdemirov; Almeida, Garayev, Míchel; Madatov, Guerrier; Ndlovu.

Fekerkaaga Nala Wadaag