Liverpool iyo Real Madrid oo digtonow ugu jira xaalada Cayaariyahan Lewandowski

Filed under: Bundesliga,Falanqeynta,Horyaalada,La Liga,Premier League,Suuqa,Wararka Maanta |

Wararka ka imaanaya gudaha wadanka Germany’ Kooxaha Liverpool iyo Real Madrid ayaa ku dagaalamaya adeega Weeriryahanka Kooxda Bayern Munich Robert Lewandowski.

 

Kabtankii hore ee kooxda Bayern Munich Steffan Effenberg ayaa dhaliilay hanaanka Cayaariyahan Robert Lewandowski, kaddib markii uu dhaleeceeyay siyaasadda suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda ee Kooxda Bayern.

 

Xiddiga heerka Caalami ee Wadanka Poland Robert Lewandowski ayaa bahdilay maamulka sare ee Kooxda Bayern, kaddib markii ay suuqa ka samayn waysay saxiixyo la mid ah sida PSG iyo Barca oo lasoo kala saxiixday Neymar iyo Dembele, iyadoo la ogson yahay in Munich ay lasoo saxiixatay Xiddigaha Corentin Tolisso oo Lyon ka yimid iyo James Rodtiguez oo amaah loga keenay Kooxda Real.

 

Si kastaba ha ahaatee Jariirada Bildsport’ ayaa fahansan in Madaxwaynaha Kooxda Munich Uli Hoeness uu ku war geliyay Kooxaha doonaya adeega Cayaariyahan Robert in ay la yimaadaan aduun dhan 100 ilaa iyo 150-million oo euros.

 

Fekerkaaga Nala Wadaag