Mbappé oo aamisan in Kooxdiisa PSG aysan ku guulaysan karin Champions League, halka uu sido kale ka hadlay cida qaadi karta Barca, Real, Bayern ma ahan ee waa,,

Filed under: Falanqeynta,france ligue 1,Horyaalada,Serie A,Wararka Maanta |

Saxiixa cusub ee Kooxda Paris Saint-Germain Kylian Mbappé ayaa rumaysan in Kooxda Cajuusta ee Juventus ku guulaysan karto tartanka horyaalada yurub ee Uefa Champions League.

 

Da, yarka reer Faransa ee Mbappé ayaa Bianconeri ka hor tagay isagoo xiran maaliyada Kooxda AS Monaco xilli Ciyaareedkii lasoo dhaafay, kaddib markii ay ku kulmeen sama fiinaalaha tartanka Champions League.

 

”Inta badan dadka waxay fiiriyaan awooda Kooxaha Barcelona, Real Madrid iyo si la mid ah Kooxda Bundesliga ee Bayern Munich, balse ani ahaan waxaan aaminsanahay in Juve ay tahay Koox ku guulaysan karta tartanka,” ayuu Mbappé u sheegay Jariirada daklka Talyaaniga ee Gazzetta dello Sport.

 

”Way adag tahay inaad iska indho tirto awooda Cayaariyahano ay ka mid yihiin Buffon, Paulo Dybala iyo kuwa kale.

 

Si kastaba ha ahaatee Kooxda PSG ayaa ku kansali karta hishiiska amaada ah ee Cayaariyahan Kylian Mbappé aduun dhan €180m, hadii uu anfaco fasal ciyaareedka soo aadan.

 

Paris Saint-Germain's French forward Kylian Mbappe takes part in a training session at the Camp des Loges in Saint-Germain en Laye on September 11, 2017 on the eve of their Champions League football match against Celtic FC. / AFP PHOTO / CHRISTOPHE SIMON

Fekerkaaga Nala Wadaag