Milan oo ku dhawaaqday xiddigaheeda, ka hor kulanka,,,

Filed under: Falanqeynta,Horyaalada,Serie A,Wararka Maanta |

Ricardo Rodriguez, Fabio Borini iyo Andrea Conti ayaa laga saaray safka Kooxda AC Milan, ka hor kulanka ay wajahayaan Kooxda Austria Vienna habeenka Khamiista.

 

Rodriguez iyo Borini ayaa si la yaab leh looga saaray safka Macalin Vincenzo Montella, halka Conti uu weli kasoo kabsanayo dhaawac dhanka canqowga ah intii lagu guda jiray waajibaadkii xulka qaranka Talyaaniga.

 

Booska xiddiga heerka Caalami ee Wadanka Swiss Rodriguez ayaa booskiisa laga yaabaa inuu buuxiyo Luca Antonelli ama Davide Calabria, halka ay sidoo kale kulankaan ay qayb ka yihiin xiddigaha Giacomo Bonaventura iyo Hakan Calhanoglu ku waas oo kaydka ka yimid xasuuqii Kooxda SS Lazio.

 

Xiddigaha Kooxda Rosonerri e losoo xulan kulanka Austria Vienna waxaa qayb ka ah: A Donnarumma, G Donnarumma, Storari; Abate, Antonelli, Bonucci, Calabria, Musacchio, Romagnoli, Zapata; Biglia, Bonaventura, Calhanoglu, Kessie, Locatelli, Montolivo; Cutrone, Kalinic, Silva,

 

 

Fekerkaaga Nala Wadaag