MOURINHO: Lukaku United waxay ku iibsan lahayd £150m, ka hor inta uusan dhicin hihishiiskii Neymar

Filed under: Falanqeynta,Horyaalada,Premier League,Suuqa,Wararka Maanta |

Hogaamiyaha reer Portuguese ee Jose Mourinho ayaa aaminsan in hishiiskii Cayaariyahan Neymar ee Kooxda Paris Saint-Germain uu ka dhigan yahay in kalyantigiisa Romelu Lukaku isna lagu iibsan lahaa £150-million.

 

United ayaa ku guulaysatay saxiixa Cayaariyahan reer Belguim ee Lukaku, kaddib markii ay ku qarasha garaysay lacag dhan £70-million, ka hor inta uusan dhicin hishiiskii taariiqda galay ee Cayaariyahan Neymar.

 

Naadiga Paris Saint-Germain ayaa aduun dhan €222-million ku kansashay hishiiskii Cayaariyahan Neymar ee garoonka Camp Nou, hase ahaatee Macalin Mou ayaa sheegay in kalyantigiisa Lukaku isna uu u qalmi lahaa lacagta hada lagu iibsaday mid ka badan.

 

” Dabcan suuqa waxaa ka dhacay hishiisyo badan, laakiin midka aan aaminsanahay in uu saamayn nagu reebay waa kii Neymar.

 

”Labada hishiis waxaa horeeyay kan Old Trafford ay la samaysay Everton, balse hadii uu mar hore dhici lahaa hishiiskii Neymar, Everton waxayna dhihi lahayd £150-million hadii kale iib ma ahan.

 

“Waxaan u malaynayaa in ay cadatay,”ayuu u sheegay The Times.

 

“Suuqu waxa uu ahaa mid iska caadi ah, balse waxa walba waxay is badeleen markii uu dhacay hishiiskii Neymar.

 

“Waxaan u malaynayaa in Lukaku hadii uu hishiiskiisa dhici lahaa 31-da bisha August wuxuu gaari lahaa £150m, halka Nemanja Matic insana uu u dhexayn lahaa £60m ilaa iyo £70m.

 

“Isku darka Lukaku iyo Matic waxa uu gaari lahaa markaas £200m, waana taas sababta Kooxaha Ciyaartoydooda ay ku yiraahdaan waa qaali.

 

“Neymar suuqa waxa uu ka dhigay mid waali ah, Pogba waa wax iska caadi ah marka loo fiiriyo Philippe Coutinho oo Barcelona laga diiday £101m.

 

“Hishiiyada waqtiyadii hore waxay ahaayeen £20m, hadanae waxay yimaadeen £40m, si la mid ah £60m, balse maanta mid walba waa £200m.”

Fekerkaaga Nala Wadaag