Sky Blues oo horkaceysa kooxaha kugu qaalisan kubada cagta + liiska oo dhameystiran

Filed under: Bundesliga,france ligue 1,Horyaalada,La Liga,Premier League,Serie A,Wararka Maanta |

kooxda Manchester City oo naadi ahaan noqotay mida ugu qaalisan, marka la eego qiimaha ay ku taagan yihiin laacibiinta ay lacagta badan ka bixisay ee is dul buuxa.

Daraasad ay samaysay CIES Football Observatory ayaa lagu ogaaday in ciyaartooyada u safta Man City qiimaha ay ku joogaan uu yahay 775 milyan oo Gini, waxaana ku soo xigta oo 3 milyan ka hoosaysa PSG oo lacag badan suuqa xagaaga gelisay.

Man United oo soo gashay kaalinta saddexaad, waxaana ay xiddigaheeda ku baxday lacag dhan 712 milyan oo Gini, waxaanay samaysay sare u kac 66 milyan oo Gini ah, laakiin kaalinta koowaad oo ay ku jirtay waxa kala baxday City oo suuqa gelisay lacag badan iyo PSG oo Neymar oo kaliya ka bixisay 200 milyan oo Gini.

Daraasaddan oo CIES ay ka samaysay shanta horyaal ee ugu waaweyn qaarada Yurub ee kala ah England, Italy, France, Germany iyo Spain, waxa tobanka kooxood ee ugu sarreeya qiimaha ay ciyaartoygeedu ku joogaan ay kala yihiin sidan:

Cadadka lacagta ay naadiyada ku bixiyeen xiddigahooda:

Magaca kooxda Waddanka ay ka dhisan tahay + Milyan Euro

Manchester City England 853

Paris St-Germain France 850

Manchester United England 784

Chelsea England 644

Barcelona Spain 628

Real Madrid Spain 497

Juventus Italy 470

Liverpool England 437

Arsenal England 416

Tottenham England 361

Fekerkaaga Nala Wadaag