Wararkka Ciyaaraha Gudaha iyo Dibada Saakay Ugu waweyn

Filed under: Premier League,Wararka Maanta |

1-Kooxda FC Banadir oo ka soo dalacday horyaalka Heerka Labaad ayaa shalay xaflad weyn oo dabaal dag ah waxaa looga sameeyay Magaalada Mugadishu .
Fc Banadir waxey horyaalka Labaad ee Serie B ku soo Qadeen 38 dhibcood .

2-Tageerayasha kooxda Banadir Sports-clup ayaa maanta xaflad Soo dhaweyn iyo Abaal marino ka kooban ugu sameyn doonaan magalada Mugdishu Ciyaaryahan cusub ee kooxda BSC.
3-Labo gool oo ka timid Ronaldo iyo gool ka yimid Ramos ayaa xalay kooxda Real kaga badisay 3-0 kooxda Apeal kulankii koowad ee Champion Leguea .
Ronaldo ayaa ganaax ugu maqna kooxdiisa labadii todobaad ee la soo dhaafay waxaana kooxda Real ku adkaatay in wax guul ah ay gaarto .

4-Manchester United ciyaaryahankeda dhexe Paul Pogba ayaa garoomada ka maqnaan doono mudo dhan lix bilood kadib markii uu dhawac ka soo gaaray kulankii Champions League ee Basel la ciyaareen .

Ciyaaryahanka reer France ayaa waxaa la saaray scans maalintii arbacad aheyd waxaana la xaqiijiyay in dhawaciisa uu qaadan doono mudo dheer .

Pogba waxa uu maqnaan doonaa kulumo muhiim ah sida kulanka Premier League ay la ciyaari doonaan kooxda Liverpool 14 October.

Pogba waxaa uu maqnaan doonaa kulumada Everton, Southampton iyo Crystal Palace, kulanka League Cupee la balansanyahiin Burton iyo kan Champions League u safri doonaan CSKA Moscow 27 September.

5-Dhawcyada ayaa ku sii badanayo kooxda Real Madrid kadib markii Mateo Kovacic dhawac looga saaray intii lagu guda jiray kulankii Apoel ee xalay champions leageu.

Xiddigan reer Croatia ayaa Karim Benzema kula biiray qolka daawaynta iyada oo aan ilaa haatan la ogaan wakhtiga uu la fadhiyi doono dhaawac soo gaaray.

Aragtidaada ka Dhiibo ?

Fekerkaaga Nala Wadaag