Xasan Wiish: Waxaan Deeq Waxbarasho oo Heer Jaamcadeed ah U Helnay 129 Ciyaartoy

Filed under: Africa,Dagmooyinka,Falanqeynta,Horyaalada,Soomaalida,Wararka Maanta |

Guddoomiyaha Ciyaaraha Gobolka Benaadir ahna Garsoore heer Caalami Xasan Aadan Xaaji Yabarow “Wiish” oo aan la yeelannay wareysi gaar ah ayaa noo xaqiijiyay in 129-ciyaaryahan oo ka qeybgalay taranka degmooyinka gobolka Banadir ay u heleen deeqa waxbarasho oo heer jaamacadeed misna lacag la’aan ah.

 

Illaa 129-ciyaartow oo ka mid ah 391-ciyaaryahan oo ka qeybgalay tartanka ciyaaraha gobolka Benaadir ayaa ah kuwo dhameystay dugsiga sare isla markaan ay ka go’an tahay iney waxbarashadooda illaa heer jaamacadeed sii wataan.

 

“Waxaan rabaa inaan meeshaan ka sheego in ciyaaryahannada ka qeybgalay tartanka kubadda cagta ay ahaayeen 391-ciyaartoy, waxaan waxbarasho lacag la’aan ah u helnnay illaa 129-dhalin yaro oo dugsi sare dhameysatay, degmo walba waxaan siinnay illaa 7 ciyaartoy oo aan u kala qeybinnay 5 wiil iyo 2 gabdhood oo wax barasho lacag la’aan ah jaamacadaha uga raadinnay, waanan ka helnay dabcan waanan u mahadcelinaynaa dhamaan Jaamacadihii naga aqbalay codsigeena.”, ayuu yiri guddoomiye Xasan Aadan “Wiish”.

 

Tartanka kubadda cagta gobolka Benaadir ayaa August 5, 2017-ka ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana uu hadda marayaa gabogabo oo ciyaarta kama dambeysta ahi waxaa ku ballansan oo iskugu soo haray dagmooyinka Hodan iyo Waaberi oo wada Ciyaari doona 7-9-2017.

 

Image result for Xasan Aadan Xaaji Yabarow “Wiish”Image result for Xasan Aadan Xaaji Yabarow “Wiish”Image result for Xasan Aadan Xaaji Yabarow “Wiish”

 

W/D/ Maxamed Xuseen Qalinle

Fekerkaaga Nala Wadaag