Adeegii hore ee Kooxaha River Plate, Bayern iyo City oo si bilaash ah lagu heli karo

Malaga ayaa rabta inay si bilaash ah kusoo qaadato Cayaariyahan Martin Demichelis, kaasi oo hada xor u ah in uu ku biiro Kooxdii uu rabo.

 
Daaficii hore ee Kooxaha River Plate, Bayern Munich iyo Manchester City Demichelis ayaa la kansalay hishiiskii uu kula jiray Kooxda Espanyol, kaddib markii kasoo muuqday kaliya labo kulan bilowgii ololahaan.

 
Cayaariyahanka reer Argentina ee Martin Demichelis ayaa hishiis hal sanno ah u saxiixay 10-kii bishii August sanadii tagtay ee 2016-kii hase ahaatee Marcelo Romero oo ah tababaraha Kooxda Malaga ayaa donay in uu soo qaato 36-sanno jirkan.

 
Marcelo Romero ayaa yiri: “Qof walba wuu og’yahay isaga, waxa uu galo, maxaa yeelay waa ciyaaryahan weyn, oo u baahan in wali uu sii wato xirfadiisa, ”ayuu u sheegay Marca.

 

Martin Demichelis has seen his Espanyol contract axed after just six monthsThe Argentine has been tipped to finish his career in the MLS

Halkan Ku dhiibo fekerkaaga

Posted by on January 12, 2017. Filed under falanqeynta, Horyaalada, Spanish, Spanish-Primera-Division, Wararka-Suuqa, Wararkii u Dambeyey. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *