Afar Xidig Oo Ka Tirsan Kooxda Heegan Oo Loogu Yeeray Xulka.+SAWIRO

0

Xiddigo ka tirsan kooxda kubadda cagta Heegan Fc ayaa loogu wacay Xulka Qaranka Soomaaliya,kuwaaso oo qaar kamid ah ay qeyb ka ahaayen xidigihii 17-sano jirada ee gaaray finaalkii koobkii Cecafa Under 17-kii, kaa oo ka dhacay wadanka Burundi.

Kooxda ciidanka Booliska Soomaaliyed ayaa ku lahaatay xulka qaranka Soomaaliya illaa afar ciyaaryahan oo boosas kala duwan ka ciyaara.

Waxaa lagu wadaa inay tababarka si rasmi ah dhowaan ula bilaabaan xulka Qaranka Soomaaliya, waxaa loo yeeray ciyaartoy badan oo kala duwan.

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa sanadkan waxa uu ka qeyb galayaa tartammo kala duwan oo ka kala dhacay Bariga iyo Bartamaha Africa.

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa dadaallo ugu jira sidii uu xulku ku gaari lahaa guulo wax ku ool ah.

Haddaba halkaan hoose ka eeg afarta ciyaaryahan ee kooxda Muqdisho City Club ay sanadkan ku yeelatay xulka qaranka Soomaaliya & boosaska ay ka dheelaan:-

Mahad Baseey (Khadka Dhexe)

Cumar Qaxtaani (Khadka Dhexe)

Mustaf Nakuja (Goolhaye)

Cali Xabad (Daafac)

Share.

About Author

Leave A Reply