Chelsea oo ku dhawaaqday Callum Hudson-Odoi Qiimaha Lagu Heli Karo.

0

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay iska iibiso Callum Hudson-Odoi xagaagan suuqa kala iibsiga, iyadoo kooxda ay dalab u dirtay 43 milyan oo ginni.
Hudson-Odoi ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Bayern Munich intii lagu jiray suuqa kala iibsiga bishii Janaayo, laakiin kooxda heysata horyaalka Germany ayaa ku guuldareysatay inay la soo wareegto 18 jirkaan.

Xiddiga weerarka ka ciyaara ayaa kor u kacay ka dib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareed aad u fiican England kulankii ay 5-1 kaga badiyeen Montenegro habeenkii Isniinta.

Da’yarkan ayaan bilaabin hal kulan Premier League ah ee Chelsea xilli ciyaareedkan, qandaraaskiisa Stamford Bridge wuxuu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2019-2020.

Manchester United, Barcelona iyo Liverpool ayaa dhawaan lala xiriiriyay xiisaha ay u qabaan sida ay qortay Sport Bild, Chelsea ayaa diyaarineysa inay iibiso Hudson-Odoi 43 milyan ginni xagaaga suuqa kala iibsiga.

Ciyaaryahanka reer England ayaa shabaqa soo taabtay shan jeer, waxaana uu diiwaan gashaday afar caawiye oo 23 kulan oo uu u saftay Blues tartamada oo dhan.

Share.

About Author

Leave A Reply