FADEEXO FOOTBALLER KUFSI KULA KACAY….

0

Tababaraha kooxda kubadda kolayga Scramento Kings ee horyaalka dalka Maraykanka NBA ayaa lagu eedeeyey inuu kufsaday gabadh wariye ah oo ku nool dalkaas.

Sida ay ku warrameen TMZ iyo ESPN, tababaraha Sacramento Kings, Luke Walton ayaa tacaddi galmo oo qasab ah kula kacay gabadha wariyaha ah ee lagu magacaabo Kelli Tennant xili ay ku sugnaayeen hotel ku yaalla California.

Xilligii uu Luke Walton kufsiga u geystay Kelli ayaa waxa uu tababare ku-xigeen ka ahaa kooxda Golden State Warriors oo iyaduna ka dhisan California, waxaana qareenku uu caddeeyey in kiiskaas ay ku dacwaynayaan tababaraha.

Qareenka u doodaya Mr Walton ayaa isaguna beeniyey eedaynta, waxaana uu ku tilmaamay ‘mi aan sal lahayn’.

Sida ay caddaynayaan dhukumentiyada oo arkeen TMZ iyo ESPN, Ms Tennant ayaa kula kulantay Mr Walton qol uu ka degganaa hotelka lagu magacaabo Hotel Casa Del Mar ee Santa Monica si ay uga soo qaadato nuqul ka mid ah buug uu qoray sannadkii 2014.

Lama sheegin taariikh cayiman oo uu falkaasi dhacay, hase yeeshee Kelli iyo Walton ayaa lahaa xidhiidh wada shaqayn ah oo sababay inay marar badan kulmaan, waxaana kulmiyey barnaamij ay Kelli Tinnant soo saari jirtay oo lagu marti-qaadi jiray Walton, kaas oo ka bixi jiray Spectrum SportsNet.

Fadeexadda kiiskan waxa sii xumeeyey, warar sheegaya inay aqoon fiican isku lahaayeen xaaska uu Walton qabo iyo gabadha wariyaha ah ee Kelli Tennant.

Wargeyska Los Angeles Times ayaa isaguna qoray in Mr Walton uu ku casuumay Kelli Tennant qolkii uu ka degganaa hotelka oo ku yaallay meel leexsan, halkaas oo markii ay ugu soo gashay uu si degdeg ah ugu tuuray sariirta oo uu xoog ku kufsaday.

Share.

About Author

Leave A Reply