Falanqeynta Kulanka Barcelona VS Atletico Madrid

0

Kooxda Barcelona ayaa kulan xamaasad iyo xiiso badan garoonkeeda kula yeelan doonta Kooxda Atletico Madriid kulan ka tirsan horyaalka La Liga ee Dalka Spain .

Barcelona oo bareejo ka tuugtay Kooxda Villarreal bartamihii asbuucan ayaa misane caawa la balansan kooxda Atletico Madrid oo qatarteeda wadata .

Barcelona ayaa kulan xamaasad leh garoonkeeda Camp Nou caawa 9:45 habeennimo kula yeelan doonta Kooxda Atletico Madriid kulan ka tirsan horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Barcelona ayaa guuldarro la’aan ah 18-kii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka La Ligaha Spain.

Barcelona ayaa guuldarro la’aan ah 18-kii kulan ee ugu dambeeyey ee ay wajahdo kooxda Atletico tartammada oo dhan.

Atletico ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay lix ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeeyey ee ay ka ciyaartay horyaalka La Liga

Share.

About Author

Leave A Reply