Garoonka Stamford Bridge oo al_baabada loo laabi doono muddo sedex sanno

Filed under: England Premier League,falanqeynta,Horyaalada,Wararkii u Dambeyey |

Kooxda Kubada Cagta ee Chelsea ayaa la siiyay oggalaanshiyaha dib u dhiska garoonka Stamford Bridge, kaasi oo la ogaaday in dhismihiisa ay ku bixi doonto aduun dhan £ 500-million.

 
Sida lagu daabacay WWW.Chelseafc.com, Golaha deegaanka Hammersmith iyo Fulham ayaa si wadajir ah u ogolaaday in Chelsea ay dib u habayn ku samayn karto garoonkeeda Stamford Bridge, kaddib kulan sidoo kale dhex maray Gudoomiyaha Kooxda Chelsea Bruce Buck iyo Agaasimaha waaxda Eugene Group, kaasi oo socday ku dhawaad muddo sedex saacadood ah.

 
Sidoo kale Warbixin uu soo saaray Gudoomiyaha Kooxda Chelsea Bruce Buck ayaa lagu yiri waxaan rabaa inaan u mahadceliyo qorshaha dib u dhiska lagu samayn doono gurigeena.

 
Guddiga deegaanka Hammersmith iyo Fulham ayaa si cad u meel mariyay codsiga qorshaynta horumarinta ee gagida Stamford Bridge, kaasi oo tiradiisa laga dhigi doono 60-kun oo kursi, xilli kuraasta hada taala ay tahay 41-kun,631-kursi.

 
Si kastaba ha ahaatee Duqa magaalada London Sadiq Khan ayaa laga yaabaa in uu hor istaago qorshaha dayactirka garoonka Stamford Bridge, isagoo haysta 14-maalin si uu u hor joogsado dhisme la qorshaynaayo inuu socdo muddo 3-sanno ah.

 

Chelsea given planning permission for £500m redevelopment of Stamford Bridge

Posted by on January 12, 2017. Filed under England Premier League, falanqeynta, Horyaalada, Wararkii u Dambeyey. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *