HORDHACA: Elman Vs Jeenyo

0

Kooxaha Kubadda cagta Elman iyo Jeenyo ayaa galabta ku balansan garoonka Banadir Stadium ee Degmada Cabdicasiis, Ciyaar qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League.

Kulankan ayaa ah mid aad u xiiso badan waana ciyaartii 39-aad ee laga dheelayo horyaalka fasal ciyaareedkan.

XAQIIQOOYINKA KULANKAN:

Kooxda kubadda cagta Elman kulankii ugu dambeyay waxey bar baro 1-1 wada galeyn naadiga Muqdisho City Club.

Sido kale kooxda Jeenyo ciyaartii ugu dambeysay ay dheesho waxey qasaaro 2-1 kala soo kulmeyn naadiga Madbacada Qaranka.

Saddexdii kulan ee ugu dambeysay ay labadan kooxod isku arkan horyaalka waxaa mid kamid ah badisay Naadiga Elman halka labada  kulan ee kale ay ku kala baxeyn bar baro labada kooxod.

Anwar Siid Cali (Shakunda) ayaa galabta mar kale ka hor imaan doona kooxdiise hore ee Jeenyo isago iminka wata maaliyada Jaalasha ee Elman.

Kooxda kubadda cagta ee Elman kulanka galabta waa dhaawac ugu maqnaan doona xidigeeda lagu magacaabo Maxamed Cusman (Martial).

IS ARAGA LABADA KOOXOD:

16/03/2018         Elman FC              2 : 2        Jeenyo FC

04/05/2018         Elman FC              2 : 1        Jeenyo FC

28/02/2017         Jeenyo FC           1 : 1        Elman FC

Ogeysiis Ciyaarta:

Tartanka: Somali Premier League

Kooxaha: Elman Vs Jeenyo Fc

Garoonka: Banadir Stadium

Saacada: 3:30

Share.

About Author

Leave A Reply