Juventus oo u muuqata mid heshay bedelka Cayaariyahan Paul Pogba

Juventus ayaa ka fiirsanaysa suurtagalnimada saxiixa Cayaariyahan Emre Can, sida laga soo xigtay Jariirada Calciomercato.

 
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Kooxda Reds Can ayaa ku guuldareystay inuu boos joogtada ah ka helo safka Macalin Jurgen Klopps, tan iyo imaatinkiisa garoonka Anfield, hase ahaatee Kooxda reer Talyaani ee Bionconeri ayaa diyaar u ah inay ka faa’iideysato qilaafka yar ee u dhexeeya labada Nin ee dhalasho wadaagta ah.

 
Juve ayaa ku guuldaraysatay helida booska muddada dheer ee Cayaariyahan Paul Pogba, kaasoo ku biiray Kooxda Manchester United bilowgii kal Ciyaareedkan.

 
Si kastaba ha ahaatee xiddiga heerka Caalami ee Wadanka Germany Emre Can ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu dib ugu laabto horyaalka Bundesliga gaar ahaan Kooxaha Borussia Dortmund iyo Bayer Leverkusen oo sidoo kale qayb ka ah raacdada logu jiro Cayaariyahankii hore ee Kooxda Leverkusen Can oo 22-sanno jir ah.

 

Can (right) and Bradley wrestle for the ball during Liverpool's goalless draw with PlymouthEmre Can is consoled by Daniel Carrico after Sevilla won the UEFA Europa LeagueLiverpool's Emre Can takes a freekick

Halkan Ku dhiibo fekerkaaga

Posted by on January 12, 2017. Filed under England Premier League, falanqeynta, Horyaalada, Italian Serie A, Wararka-Suuqa, Wararkii u Dambeyey. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *