Klop iyo Wiilashiisa Wali wey Caaboon Yihiin

0

Liverpool ayaa Guul ku Bilaabatay Furitaanka Horyalka Premier league Kulankan Oo ay Anfield ku qaabilen Norwich City, Liverpool ayaa Ku maquunisay Goolal Gaaraya 4-1
Liverpool ayaa Goolasha ugu Badan Heshay 30kii Daqiiqo ee ugu Horeeyay ee Ciyaata,Daqiiqadii 7aad Grant Hanley oo Norwich City Ka Tirsan ayaa O’Goal iska Dhaliyay , Daqiiqadii 19aad Maxamed salax ayaa Shabaqa Soo Taabtay isagoo Caawinaad ka helay Robert Firmino ,Sidoo kale Daqiiqadii 28aad Waxaa Isna Shabaqa Ruxay Daafaca Ruuxiga Ee Reds Virgil Van Dijk isagoo Caawinaad ka helay Maxamed Salax, Daqaqadii 42aad Divock origi ayaa Goalkii 4aad ee Ciyaarta Dhaliyay .

Ugu Danbeyn Teemu pukki ayaa Kooxdisa U Dhaliyay Goal ka Calanka daqiiqadii 64aad Ee Ciyaarta Kaasoo ka Dhigay kulanka Mid kuso Idlaaday 4-1

FalanQeynta Kulanka :


◇ Liverpool ayaa Dhalisay 3 Goal 30kii Daqiiqo Ee ugu Horeysay Ciyaarta.

◇ Liverpool ayaa Guuleysatay Kulankii 41aad iyadoo Ku Ciyaareysa Gegada Anfield.

◇ Liverpool Ayaa Guul Ku furaneysay Kulan walbo Tan iyo Xili Ciyaareedkii 2013-2014.

◇ Liverpool ayaa Gool iyo Kabadan Dhalineysay Kulan Furitaanka Horyaalka Tan iyo 2014.

Ugu Danbeyn Liverpool ayaa Arbacada U safri Doonta Stanbul Iyadoo Fooda Dari Doonta Kooxda Chelsea Koobka Uafa Super Cup, Xili Norwich City Dooneyso Guul Darada Xanuunka ah iney kaga Soo Kabato Kooxda New castle Oo Sabtida So aadan Marti u Noqon doonta Norwich City.

Fadlan Hadii Aqriska Dhameysay Shere Dheh

Nala Soco Marwalbo Si aad u hesho Update Kasta ee So Dhaca

Share.

About Author

Leave A Reply