Macalin Yuu-cali oo mar kale u awood sheegtay Hussein Mblango.

0

Kooxaha Muqdisho City Club iyo Dekedda ayaa kuwada ciyaaray garoonka Banadir Stadium ciyaar qeyb ka aheyd horyaalka Somali Premier League.

Kulankan ayaa ahaa mid aad u xiiso badan labada kooxod ayaa waxey soo bandhigeyn kubadd aad u heer sarayso balse qeybtii hore kulanka ayaa lagu kala nastay 1 iyo 0 ay ku hogaamineyso kooxda Dekedda, waxaana goolka u dhaliyay ciyaaryahan khadar.

Markii dib la isku soo laabtay qeybtii dambi ee ciyaarta wiilasha Muqdisho City Club ayaa weeraro ku qaaday shaqaada Dekedda balse ma u suurta galin ay iska soo gudan goolka lagu leeyahay.

Macalin Hussein Mblango ayaa wali dhibane u ah Yuu Cali, Waana guuldaradii 12-aad uu kala kulmayo kooxda uu hogaamiyo tababare Yuu-cali ee Dekedda.

Dekedda waxaa roose ama kaarka casaanka ka qaatay ciyaaryahan Cabdicasiis Catoosh, qeybtii dambi ee ciyaarta.

Si kastaba kooxda Dekedda ayaa sii dhiireysatay hogaanka horyaalka iyado iminka leh 20 dhibcood.

Share.

About Author

Leave A Reply