Paulo Dybala oo ku digtay Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona

Weeriryahanka Kooxda Juventus Paulo Dybala ayaa iska laalay ku biirista Kooxaha ugu awooda badan waqtigaan Yurub ee Real Madrid iyo Barcelona.

 
Xiddig yaraha reer Argentina ee Dybala ayaa loo arkaa bedelka mustaqbalka dhow ee Lionel Messi, halka hogaamiyaha Kooxda Los Blancos uu qorshe ahaan damacsan yahay in Calatikadiisa cusub uu qayb kaga dhigo bilowga xagaaga danbe.

 
Kaddib guushii Atalanta ee tartanka Copa Italia, Paulo ayaa, ”yiri kaliya waxaas waa kuwa aan ka maqlay saxaafada, mana jiraan meel aan kaga socdo Kooxdayda, ”ayuu u sheegay shabakada Goal.com.

 
Cayaariyahan Paulo Dybala ayaa dib u helay caafimaadkiisa, kaddib markii uu dhowr kulan ku seegay dhaawac, xilli kulankii xalay uu gool dhaliyay midna caawiyay taasi oo ka dhigan in hada Kooxda uu u dhaliyay goolkiisii 17-aad.

 

Image result for Paulo Dybala Madrid and Barcelona

Halkan Ku dhiibo fekerkaaga

Posted by on January 12, 2017. Filed under falanqeynta, Horyaalada, Italian Serie A, Spanish, Spanish-Primera-Division, Wararka-Suuqa, Wararkii u Dambeyey. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *