Saddex Xidig Oo Ka Tirsan Kooxda Elman Oo Looga Yeeray Xulka

0

Saddex Xidig oo ka tirsan kooxda kubadda cagta Elman ayaa  looga yeeray xulka qaranka Soomaaliya,kadib bandhigii quruxda badna ay ka muujiyen kooxdooda kulamadii ay ka dheeshay horyaalka fasal ciyaareedkan.

Xidigahan looga yeeray xulka ayaa kala ah Nuur Ibraahim Cali (Towtow), Bile Cilmi Weheliye iyo Anwar Siid Cali(Shakunda), kuwaaso ka ciyaara boosas kala duwan.

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa sanadkan wuxuu ka qeyb gali doona tartamo kala duwan ee ka  kala dhici doona Bariga iyo Bartamaha Africa.

Waxaa lagu wadaa inay tababarka si rasmi ah dhowaan ula bilaabaan xulka Qaranka Soomaaliya, waxaana xulka looga yeeray ciyaartooy badan oo kala duwan.

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa dadaallo ugu jira sidii uu xulku ku gaari lahaa guulo wax ku ool ah.

Hadaba ciyaartooydan ayaa la filaa in ay kaalin lixaad leh ka qaadan karan kulamada xulka Qaranka Dalkeena Soomaaliya uu ciyaarayo.

Si kastaba ma ahan markii ugu horeysay oo ay xidigahan xirtan maaliyada Ocean Stars, iyago hore u soo matalay xulka tartamadii uu dheelay.

Haddaba halkaan hoose ka eeg afarta ciyaaryahan ee kooxda Heegan FC ay sanadkan ku yeelatay xulka qaranka Soomaaliya & boosaska ay ka dheelaan:-

Nuur Ibraahim Cali (Towtow) DAAFAC

Bile Cilmi Weheliye: DAAFAC

Anwar Siid Cali(Shakunda), WEERARKA

Share.

About Author

Leave A Reply