Falanqeynta: Kulan Xiiso Badan Oo Galabta Laga Dheelayo Horyalka Somali Premier League

0

Kooxaha Muqdisho City Club iyo Madbacada ayaa galabta ku balansan garoonka Banadir Stadium ciyaar qeyb ka ah Horyaalka Somali Premier League.

Kulankan ayaa ah mid aad  u xiiso badan labadan kooxod ayaa diyaar garow xoogan u galeyn in ay galabta midba midka kale ka guuleysato.

Naadiga Muqdisho city Club kulankii ugu dambeyay waxey 2-1 ugu soo adkaatay kooxda kubadda cagta Gaadiidka.

Wiilasha Madbacada Qaranka dheshii ugu dambeysay waxey guul daro qaraar badan kala soo kulmeyn kooxda Jazeera Sports Club kadib markii lagu adkaaday 2-1.

Kulankan ayaa noqonaya midkii 29-aad ee laga dheelayo horyaalka fasal ciyaareedkan.

Ogeysiis Ciyaarta:

Tartanka: Somali Premier League

Kooxaha: Muqdisho City Club Vs Madbacada Qaranka

Garoonka: Banadir Stadium

Saacada: 3:30

Share.

About Author

Leave A Reply