Goormii la Sameynaya Isku Aadka Tartanka Champion League iyo Kooxaha Soo Baxay

0

Goorma ayaa la sameynayaa isku aadka halkeesa lagu sameynayaa?

Isku aadka wareega sidaada ayaa la sameyn doonaa berito oo Jimce ah marka ay saacada dhankeena tilmaameyso 2:00 Duhurnimo, isku aadka ayaa lagu sameyn doonaa magaalada Nyon ee dalka Switzerland.

Sidee isugu aadi karaan kooxaha?

Kooxaha ayaa isugu aadi doona si kasta iyo nuuc kasta oo ma jiro sharci la ilaalin doono sida in la kala weeciyo kooxaha isku dalka ka yimid, Tusaale ahaan way isku aadi karaan afarta koox ee ka socota Ingiriiska, Man United, Man City, Liverpool iyo Tottenham.

Goorma ayaa la ciyaarayaa kulamada sideed dhammaadka Champions League?

Lugta hore ee wareega sideed dhammaadka ayaa la ciyaari doonaa April 9 iyo 10 halka lugta labaad la ciyaari doono usbuuc kaddib April 16 iyo 17 .

Share.

About Author

Leave A Reply