Hordhaca Dekedda Vs Jazeero Sports Club

0

Kooxaha Dekedda iyo Jazeera Sports Club ayaa galabta ku balansan garoonka Banadir Stadium ciyaar qeyb ka ah Horyaalka Somali Premier League.

Kulankan ayaa ah mid aad u xiiso badan, Dekedda oo sanadkan rabta iney difaacato horyaalka halka Jazeera Sports Club ay rabto in ay kaalin muhiim ah ka gasho kala sareynta horyaalka Somali Premier League.

Kooxda Dekedda kulankii ugu dambeyay waxey guul daro 1-0 kala soo kulantay kooxda Horseed, waana guuldaradii ugu horeysay oo soo gaarto kooxdan.

Naadiga Jazeera Sports Club ciyaartii ugu dambeysay waxey guuldaro 3-2 ka soo qaabishay kooxda jaalayasha ee Elman.

Labadan kooxod kulamadoodii ugu dambeyay waxey la soo kulmeyn guul darooyin taas oo ka dhigan in ay galabta midba mida kale ay rabto in ay iska dhaqso guuldaradii soo gaartay todobaadkii hore.

Dekedda ayaa ku jirta kaalinta 2-aad ee kala sareynta horyaalka waxeyna leedhahay 13-dhibcood halka ay Jazeero leedhahay 7-dhibcood.

Ogeysiis Ciyaarta:

Tartanka: Horyaalka Somali Premier League

Kooxaha: Dekedda Vs Jazeera

Garoonka: Banadir Stadium

Saacada: 3”30

Share.

About Author

Leave A Reply