RASMI: Liiska Xulka Qaranka Brazil Ee Kulamada Soo Socda Ee….

0

Tababaraha xulka qaranka Brazil ee Tite ayaa ku dhawaaqay liiska ciyaartoyda xulkiisa ee uu ku shaqayn doono kulamada caalamiga ah ee soo socda. Tite ayaan wax naxariis ah u samayn ciyaartoy dhawr ah oo aan qaab ciyaareed fiican soo bandhigin waxaana badalkooda uu magacaabay ciyaartoy markii ugu horaysay xulka Brazil looga yeedhay.

Da’yarka xulka qaranka Brazil ee Vinicius Jr ayaa qaab ciyaareedkii fiicnaa ee uu kala soo muuqday kooxda kowaad ee Real Madrid waxa uu ku mutaystay in markii ugu horaysay looga yeedhay waajibaadka xulka qarankiisa Brazil iyada oo Tite uu da’yarkan riyadiisa u rumeeyay isla markaana uu abaal mariyay.

Taas badalkeeda Tite ayaan wax naxariis ah u muujin isla xidiga kooxda Real Madrid ee Marcelo kaas oo booskiisii kooxda kowaad ee Real Madrid ulumiyay da’yarka Reguilon iyada oo Marcelo uu hadda noqday mid kursiga kaydka Real Madrid ku caajisay.

Arthur Melo oo isna bandhig cajiib ah ka soo sameeyay Barcelona ayaa liiska xulka qaranka Brazil lagu soo daray halka Neymar Jr oo dhaawac ku maqan aanu liiskan ka soo muuqan laakiin Coutinho oo looga cabsanayay in uu booskiisa lumiyo ayaa liiskan ku soo baxay.

Tababare Tite ayaa liiska xulka qarankiisa Brazil uga yeedhay saddexda xidig ee kooxda Liverpool ka wada tirsan ee Alisson Becker, Roberto Firmino iyo Fabinho laakiin Tite ayaa abaal marin kale u sameeyay xidiga West Ham United waqtiga fiican ku qaadanaya ee Felipe Anderson.

Share.

About Author

Leave A Reply