Xaasasi Oo Raali Galin Ka Bixiyay Arintii

0

Xiddiga Xulka Qaranka Soomaaliya iyo kooxda kubada Cagta ee Horseed Xasan Cabdi Nuur Geeseey (Xasaasi) ayaa raali gelin ka bixiyey ficil uu horay u sameeyey waxaana uu dhowaan dib ugu soo laaban doonaa tababarka kooxdiisa.

Xasan Cabdi Nuur Geeseey (Xasaasi) iyo Macalinka Hoggaamiya Kooxdiisa Horseed ee Cabdi Joon ayaa horay loo wariyey inuu qilaaf xooggan soo kala dhex galay taasoo ku qasabtay laacibkan khadka dhexe in kursiga Keydka loo dhaadhiciyo, sidoo kalena tarabuunka la saaray dheeshii miisaanka lahayd ee ay la ciyaareen Muqdisho City Club.

Xasaasi waxaa ugu dambeysay in uu tababarka la qaato xiddigaha kooxdiisa Horseed maalintii Arbacada ahayd ee ay Taariikhdu ku beegnayd 27-ka bishii la soo dhaafay ee Febraayo.

Waxaana ciyaaryahan Xasaasi uu horay u sheegay inuusan kooxda Horseed matali doonin inta uu taliska naadiga hayo macallin Cabdi Joon, laakiin arrintaas waxa uu xiddiga xulka qaranku maanta sheegay inuu raali gelin ka bixiyey isla markaana uu dib ugu soo laabanayo Sabtida tababarka kooxdiisa.

Isagoo la hadlayey GOOL FM ayuu yiri Xasaasi: “Raali-gelin ayaan ka bixiyey ficilkii aan saxaafadda la wadaagay ee ahaa qilaafka na soo kala dhex-galay aniga iyo macallinkeyga Cabdi Joon, waxaana dib ugu soo laabanayaa Tababarka kooxda.

“Waxaan tababarka la bilaabayaa kooxdeyda Sabtida soo aaddan, maxaa yeelay waan ka maqnaanayaa kooxda kulanka aan Jimcaha la ciyaareyno naadiga Heegan oo Tarabuunka ayaan saaranahay.”

Waxa uu hadalkiisa intaa raaciyey Xasaasi in uu safka kooxda dib ugu soo laaban doono kulanka ay Horseed ka horjeedo kooxda Madbacadda bartamaha todobaadka soo socda, maadaama uu raali-gelin ka bixiyey ficilkii uu horay u sameeyey meeshana laga saaray qilaafkii jiray.

Ciyaaryahankan Xasaasi ayaa kooxda Horseed kaga soo biiray naadiga LL.PP. Jeenyo, xilli uu xilli ciyaareedkii hore kooxda Cawo iyo Maalin u dhaliyay 7 Gool oo horyaalka ah.

Share.

About Author

Leave A Reply